Barack Obama oo ka noqday safiirkii uu Soomaaliya u magacaabay.
12.05.2015 13:00Madaxweynaha dowladda Mareykanka Barack Obama ayaa la noqday Safiirkii uu labo bilood ka hor u soo magacaabay Soomaaliya oo lagu magacaabayay Katherine Dhanani.
Sarkaal u hadlay Maamulka Obama oo diiday magaciisa in la sheego ayaa xusay in arrimo shaqsi ay u diiday Ms Dhanaani xilka, taasna ay keentay Madaxweynaha uu la noqdo magacaabideeda.
Katherine Dhanani ayaa aheyd haweeney laheyd qibrad iyo waayo aragnimo badan, iyadoo ka soo shaqeysay dalal badan oo Afrikan ah, waxaa lagu waday inay noqoto Safiirkii u horeeyay ee Mareykan ah oo muddo 25 sano ah kadib ka howl gasha Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, kadib bur burkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Obama ay la gudboon tahay inuu soo magacaabo qof kale, kadibka Golaha Senate-ka ay ansixiyaan, waxaana la ogeyn qofka uu magacaabay iyo waqtiga uu magacaabayo.
Mareykanka ayaa waxaa ka go’an xiriir wanaagsan oo qoto dheer inay la yeelato Soomaaliya, iyadoo todobaadkii hore uu booqasho aan horay loo sii shaacin uu ku tagay magaalada Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka John Kerry.
John Kerry ayaa mar uu la hadlayay madaxda Soomaaliya ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in mar kale uu soo booqdo Muqdisho, isagoo magaalada gudaheeda dhex wareegaya, isla markaana uu doonayo in Calamada Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka babanaya labada caasimadood.
Mareykanka ayaa sare u qaaday taageerada uu siinayay dowladda Soomaaliya wixii ka dambeeyay sanadkii 2013 markii uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya, waxaana uu Ciidamada AMISOM ka caawiyaa dhinaca la dagaalanka Al-Shabaab.
warar xaqiiq ah kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka