BANGI ISLAAMI AH OO LA RABO IN SWEDAN LAGA FURO.

27.04.2015 19:46
Det finns ett stort behov en islamisk räntefri bank i Sverige anser affärmannen Bashir Aman som har lämnat in en ansökan till Finansinspektionen. Foto: Johan Prane/Sveriges Radio
Bangi islaami ah oo la rabo in Iswiidhan laga hirgaliyo Foto: Johan Prane/Sveriges Radio

Waa markii ugu horeysay oo laga codsaday hey'adda maaliyad in ay laga furo bangi islaami ah wadanka iswiidhan.

Bashiir Amaan oo ah nin ganacsade ayaa ah qofka ka danbeyey codsiga furitaanka bangiga, wuxuuna ku sababeeyay in quraanka yiri waa xaraan in lacag lagu fa'iido lacag kale.

Laakin ma ahaan xaraan in bangi ka faa’iido lacag qaab kale, tusaale ahaan hadii bangiga qof u iibiyo guri, qofkii wuxuu kali bixinayaa lacag go’an oo aan ribo lahayn bilkasta.

Hey'adda maaliyada aya waxay saraysaa xujo adag maalgalinta bangiga, laakiin Bashiir Amaan waxa uu ku dooday in laga balan qaaday lacag ah 250 milyan oo ka imanaya wadamo dibada ah.

- Sida wadamada islaamka ah ee ay ka midyihiin malesia , qatar , saudiarabia , imaradka , kuweit iyo dadyow musliimin oo lacag leeh ayaa xiiseynayan in ay maal galiyan bangiga.

Xigasho Somaliska radio

warar sugan kala soco

runtanews.net

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET