Banaanbax ka dhan ah Maamulka Jubbaland oo maanta ka dhacay Magaalada Garbahaarey

23.04.2015 13:11

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxay maanta socod ku soo mareen wadooyinka kala duwan ee Garbahaarey ka kooban tahay.

 

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay ka cabanayan Maamulka Jubbaland, oo ay ku eedeeyen inaanu si cadaalad ah u soo xulin Xildhibaanada Baarlamaanka ee Maamulkasi, oo toddobadkii hore Kismaayo looga dhawaaqay.

 

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay ku dhawaaqayen ereyo ka dhan ah Maamulka Jubbaland. Sidoo kalana waxay dab qabadsiiyen taayeero.

 

Dadka ku dhaqan Gobolka Gedo, ayaa waxay si xoog leh kaga horyimaaden Xildhibaanada matalaya Gobolkaasi, kuwaa oo ay sheegeen inaanay lagala tashanba dadkii deegaanka.

 

Maamulka Jubbaland, ayaa ku doodaya in si sax ah lagu soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka ee Jubbaland, waxayna meesha ka saareen fara-gelin xagga dibadda ah in lagu soo sameeyay soo xulista Xildhibaanada.

 

warar sugan kala soco

shabakada calamigaa

runtanews.net

kala soo xariir

ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET