Badda Masar oo soo caarisay Meydadka tiro Muwaadiniin Soomaaliyeed
28.05.2015 00:15Warar kala duwan oo naga soo gaarayo dalka Masar gaar ahaan Magaalada Qahira, ayaa sheegaya in Badda Masar ay soo caarisay Meydadka Muwaadiniin Soomaaliyeed.
Meydadkaani ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ahaayen Tahriibayaal Soomaaliyeed waxaana la sheegayaa in tiro ahaan ay intaasi kasii badnaayen.
Ciidamada Badda dalka Masar ayaa Meydadkaasi la wareegay waxaana Meydadkaasi loo qaaday Deegaano hoostaga Magaalada Qahira.
Meydadkaani ayaan weli la aqoonsan waxaana xiligaani socda baaritaano ay Ciidamadu ku xaqiijinayaan waxa ay ahaayen dhalinyaradaasi ay badda soo caarisay.
Dhawaan ayay aheyd markii Xeebta dalkaasi laga helay Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo ka tirsanaa Bahda Weriyayaasha ku noola Magaalada Qahira.
———
Tillbaka