BAARLAMANKA SOMALIYA OO U GURMADAY SOMALIDA YEMEN.
22.05.2015 10:21Waxaa dekeda magaalada Berbera soo gaaray markab uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kireeyey ka qayb qaadashada gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararaya dalka Yemen oo ay dagaalo ka socdaan.
Markabkan oo howshiisa ay wadeen guddi uu Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno, qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen, siyaasiyiin iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Yemen hogaankooda ayaa waxa uu shalay ka soo ambabaxay dekedda bureekha oo ku
dhow magaalada Cadan ee dalka yemen.
Ex-Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka kana mid ah guddiga howshan gurmadka uu Baarlamaanku u xil saaray ayaa xaqiijiyey in saakay uu markabka u kireysan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo xertay dekedda Berbera islamarkaana ay saaran
yihiin in ka badan kun ruux.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa howshan ku gacan siinaya shirkad la yiraahdo ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa waxaana wejiga labaad ee dhameystirka howshan uu yahay in maalinnimada sabtida ay bilowdaan diyaaraddo lagu soo daabuli doono dadkan Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo in kadibna loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen gobolladooda.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan in uu ka qeyb qaadanayo 22kii-April-2015 kadib markii ay go'aamiyeen taasi Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana lacagta uu Baarlamaanka ku deeqay howshan gurmadka ay tahay 300,000$ (Seddex Boqol kun oo doollar).
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhowaan bogaadiyey gurmadka loo sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen waxaana uu si guud ugu mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sida ay uga qeyb
qaadanayaan gurmad loo sameynayo walaalahooda kasoo laabanaya Yemen, sidoo kalena Somaliland iyo Puntland ayuu uga mahad celiyey sida ay dadkan u soo dhaweeyen.
warar sugan xigasho iyo xaqiiq ah
kala soco shabakada calamiga
runtanews.net
———
Tillbaka