Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Mooshin laga keenay Darbiga Kenya ay ka dhiseyso Xuduuda Somalia iyo Kenya

20.06.2015 10:33

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay ka doodayaan mooshinka laga soo gudbiyay darbiga Dowladda Kenya ay ka dhiseyso xuduuda Somalia iyo  Kenya ay wadaagaan.

Mooshinkaan waxaa Baarlamaanka hortiisa horay u keenay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka carooday falka Kenya ay ku dhiseyo Darbigaasi oo Kenya ay u aragto inay uga nabadgeli karto weerarada isdaba jooga ah ee Shabaabka kaga imaanaya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, ayaa sheegay in Xildhibaanada lagu wargeliyay in Ajandaha maanta uu yahay ka doodista mooshinkaasi laga keenay dhismaha Kenya ay xuduuda ka wado.

“Maanta oo Sabti ah Taariiqda ku began tahay 20-June waxaa jira kulanka Baarlamaanka, Ajandaha waxaa ka mid ah Darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduuda Somalia iyo Kenya, Xildhibaanada waxa ay aragti ka dhiiban doonaan mooshinka iyo dhismaha darbigaasi, waana waajibaad saran xubnaha Baarlamaanka dalka,sidoo kale waxaa laga hadli doonaa Shilinka Somaliga.” Ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

xuduuuuud1

Dowladda Somalia ayaa horay u cadeysay mowqifkeeda ku aadan darbiga Kenya ay ka dhiseyso  Xuduuda, waxaana ay sheegtay Dowladda in weerarada Shabaabka aysan hakin doonin dhismaha darbigaasi.

Kenya ayaa u aragto hadii ay dhisto darbigaan inuu hakan doono weerarada Shabaabka kaga imaanaya, maadaama hada ay u aaneynayso weeraradaasi xuduuda oo iska furan iyo Shabaabka oo dhinaca ay doonaan ay ka geli karaan.

 

Dhismaha Darbigaan ayeey Dowladda Kenya ula soo taloowday dhanka Somalia, maadaama Magaalada Belad xaawo dhexdeeda ay la timid, taasi oo noqotay fal ay ka cadhoodaan dhalinyarada reer Belad Xaawo  oo qaarkood ay ku biireen Shabaabka si ay ula dagaalamaan Ciidamada Kenyattiga.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET