Madaxweynayaasha hal-halka Magaalo. Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/kariin X. Guuleed:

06.10.2015 09:23

Sadexdaan Mas’uul oo marka la isku daro ku magacaaban inay ka taliyaan 8 Gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalkeenu ka kooban yahay ayaa haddana waxaa jirta in xaqiiqadu sidaas ka fogtahay.

Tusaale ahaan Axmed Madoobe oo ku magacaaban Gobolada kala ah Jubada dhaxe,JJubada hoose iyo Geddo wuxuu ka taliyaa inta la ogyahay Magaalada Kismaayo oo kaliya taasoo xaruna u ah Gobolka Jubada hoose.

Haddaba imisa degmo ayay ku fadhiyaan sedexda Gobol marka la isku daro waxay ku fadhiyaan 15 degmo iyo Boqlalaal tuulo kuwaasoo badankood aanu ka talin maamulka Axmed Madoobe,waxaana inta la hubo uu maamulkiisu iminka ka shaqeeya Magaalada Kismaayo oo kaliya si rasmi ah.

Gobolka Jubada Hoose wuxuu ka kooban yahay 5 degmo kuwaasoo kala ah:
1-kismaanyo (Xarunta Gobolka)
2-Afmadow
3- Badhaadhe
4-Xagar
5-Jamaame

Gobolka Jubada dhexe wuxuu ka kooban yahay 4 degmo
1-Bu’aale (Xarunta Gobolka J.dhexe)
2-Dujuma
3-Jilib
4- Saakow

Gobolka Gedo wuxuu ka kooban yahay 6 degmo
1-Garbahaarey (Xarunta Gobolka )
2-Baardheere
3-Beledxaawo
4-Doolow
5- ceelwaaq
6-luuq

Gobolka Jubada dhexe waxaa wada maamula Ashabaab,sidooo kale Gedo waaxaa ka jira badankood maamulo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin Dowladu hore u magacowday ,halka Jubada hoose lafteeda Kismaayo mooyee inta kale shabaabku ku lug leeyihiin.

sadex

AAN EEGNO dhulka uu ku magacaaban yahay SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN isaguna wuxuu sheegtaa inuu madaxweyne ka yahay 3-da gobol ee Bay.Bakool iyo shabeelaha hoose,waxaana loogu magac daray konfur galbeed ,haddaba xaqiiqada ka jirta goboladaasi iyo tiradooda aan eegno.

Gobolka Bay wuxuu ka kooban yahay 5 Degmo oo kala ah:
1-Baydhabo (Xarunta Gobolka)
2-Buur-hakabo
3-Diinsoor
4-Qansax-dheere
5-Bardaale

Gobolka Bakool wuxuu ka kooban yahay 5 degmo
1-Xudur (Xarunta Gobolka)
2-Ceelbarde
3-Rab- dhure
4-Tayeglow
5-Biyooley
Gobolka Shabeekaha hoose wuxuu ka kooban yahay
1-Marka (Caasimada gobolka)
2-Afgooye
3-Aw-dhiigle
4-Baraawe
5-Kuntiwaarey
6-Qoryooley
7-Sablaale

Dhamaan iyadoo isku darka degmooyinkaasi yihiin 17 degmo wuxuuu Shariif Xasan inta la hubo ka howlgalaa islamarkaana ku hoydaa Baydhabo oo kaliya kuwa kalana waxay u kala baxaan qeyb Alshabaab heystaan iyo kuwo maamulkisu gaarsiisneyn.

AAN EEGNO dhulka uu ku magacaaban yahay C/KARIIN XUSEEN GUULEED oo ah Galgadudu iyo Mudug oo waxaana maamulkiisa loogu magac daray Galmudug.
Galgaduud wuxuu ka koooban yahay 7 Degmo
1-Dhuusa-mareeb (Caasimada gobolka)
2-Cadaado
3-Balanbale
4-Ceelbuur
5-Ceeldheeren
6-Caabud waaq
7-Gel hareeri
Sidoo kale Gobolka Mudug wuxuu ka kooban yahay 5 degmo
1-Gaalkacayo (Caasimada gobolka )
2-Galdogob
3-xara dheere
4-Hobiyo
5- jiriiban

Isku dar Labada Gobol 12 degmo ayay ka kooban yihiin inta la hubana C/kariin wuxuu ka howlgalaa Cadaado oo ah halkii lagu dhisay Maamulka inta kale waxay isugu jjiraan wax shabaa heysto, wax ururka Ahlu suna heysto sida xarunta Maamulka iyo wax aan maamulkaasi sidii la rabay u gaarin.

Haddaba waxaa la dhihi karaa sedexdaani mas’uul ee ku magacaaban sedex maamul Goboleed iyo ereyga Madaxweyne inaaney xaaladu sidaas aheyne ay haboonaan laheyd in la dhaho Gudoomiyayaasha degmooyinka Kismaayo,Baydhabo iyo Cadaado ileen magaalo kale ma hayaane.

 

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET