Askari Liyuu Boolis ka tirsan oo ka sheekeeyay dhibaatada lagu haayo shacabka xuduuda (Daawo Video*
01.06.2015 22:31Nin askari ah oo ka tirsan Ciidanka Liyuu Boolis, ayaa waxa uu ka sheekeeyay dhibaatada lagu haayo shacabka Somaliyeed, ee ku dhaqan xuduuda Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya.
Askarigan oo magaciisa ku sheegay C/laahi Cali Muuse, ayaa sheegay inuu ka soo goystay Ciidanka Liyuu Boolis, sababo isbiirsaday awadood, kuwaa oo ku khasbay sida uu sheegay inaanu ka sii mid ahaanin.
Wuxuu qirtay in muddo laba sano ihi uu ka mid ahaa askarta Liyuu Boolis, ee dhibaatada muuqata ku haysa maatida degan halka ku asteysan xuduuda, wuxuuna daaha ka rogay in dad badani ay laayeen.
Beegsiga ka dhanka ah maatida, ayuu ku sheegay in qiil looga dhigo Shabaabnimo iyo inay nabadiid yihiin. Waxa kaloo uu sheegay in dadka la dilay ay ka mid yihiin carruur iyo odayaal, isagoo intaa raaciyay dadka qaar in la gowracay, halka qaar kalana faasas lagu dilay.
C/laahi waxa uu Saraakiisha Liyuu Boolis uu ku eedeeyay inay bixiyen awaamiir la xiriirta in guryaha lagu gubo, dad uu markaasi sheegay inay ku sugnaayen.
C/laahi, ayaa markii ugu dambeysay ka hawlgalaayay deegaanada Isma-dhawo, Billi-dhiig iyo Laba-baar. Deegaanadaasi waxay wada dhacaan xuduuda labada dal.
———
Tillbaka