Sargaal katirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay Duleedka Degmada Ceel Buur
13.02.2016 12:56Sargaal katirsanaa Xarakada Al-Shabaab iyo mid kamid ah ilaaladiisa ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Deegaanka Ceel Qooxle ee Duleedka Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud
Cabdi Xasan Biyo Quute, oo kamid ah saraakiisha ciidanka Dowlada ee ku sugan Degmada Ceel Buur ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanka Milatariga Soomaaliya ay Al-Shabaab ka saareen deegaanka Ceel Qooxle oo hoos taga Degmada Ceel Buur.
Sargaalkan ayaa xusay in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay dileen Sargaal katirsanaa Xarakada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Maxamed Daabyaambo, kaa oo la sheeay in Al-Shabaab u qaabilsanaa aruurinta Saawadaka.
Waxa uu kale sheegay Cabdi Biyo Quute in ay dileen nin kale oo ilaalo u ahaa sargaalkan la dilay, waxa uuna intaa raaciyay in ay jiraan rag kale oo Al-Shabaab looga dhaawacay howlgalka ay ciidankooda ka fuliyeen Deegaanka Ceel Qooxle.
Al-Shabaab ayaan ka hadlin warka ku aadan dilka la sheegay in loo geestay sargaalka u qaabilsanaa dhinaca sakawaadka iyo mid kamid ah ilaaladiisa, mama jiro ilo madax banaan oo xaqiijin kara dilka ay sheegeen saraakiisha ciidanka Dowlada in ay ugeesteen sargaal katirsanaa A-Shabaab
warar sugan kala soco runtanews.net
ganeyte5@gmail.com
———
Tillbaka