Arbacada berito ayaa Waddammada EU soo ban-dhigi doonaan qorshohooda qaxoontiga.

12.05.2015 13:14
Foto: Vadim Ghirda/AP Photo/TT.

Dhammaan waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub (EU) waa iney qaabilaan qaxooti. Waa fikir ka soo yeeray hoggaanka sare ee ururka, midkaasina oo la soo ban-dhigi doona arbacada berito oo bishuna ku beegan tahay 13-ka maajo 2015.

Iyadoona ey go'aankaa soo dhoweeyeen waddammada Sweden iyo Jarmalka, hase yeeshee ey dhaleeceey xooggan kala hor-yimaadeen waddammada kale ee xubnaha ka ah EU. Dhanka kale hoggaanka ururka EU ayaa ku dadaalaya sidii hayadda Qarammada Midoobey iyo xubnaheeda looga dhaadhicin lahaa in xoog milateri loo isticmaalo burburinta doonyaha lagu soo waadirdo qaxootiga.

Arbacada berito ayuu hoggaanka ururka EU soo ban-dhigi doonaa qorshihiisa socdaalka. Iyadoona xog laga ogaadey ay sheegayso in EU soo qaado 20 000 oo soo galooti ah, dabadeed loo kala qaybin doono waddammada xubnaha ka ah ururka.

Qaybsiga qaxootigaa ayaa loo isticmaali doonaa hab cilmiyeey-san oo salka ku haya baaxadda dalka, dhaqaalaha, shaqa-la'aanta ka taagan iyo tirada qaxooti ee uu dalkaasi horay u qaabilay. Hoggaanka sare ayaa u codeeyn doona middaa gelinka hore ee arbacada berito. Waana mid la fileyo in hoggaanka gudihiisa ay dood ballaaran ka dhaliso.

Xigasho ANNONS.

 

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET