Aqriso Wareegtadii Xilka looga qaaday Mungaab laguna magacaabay Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir
27.10.2015 08:42Iyadoo maanta Xil ka qaadis lagu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Mungaab lana magacaabay Gudoomiye Cusub ayaa waxaa goordhow ay shabakada caalamiga ee Runtanews heshay Wareegtadii Xilka looga qaaday Mungaab laguna magacaabay Gudoomiyaha Cusub.
Wareegtada oo soo baxday Habeenkii xalay aheyd ayaa waxaa Xilka Gudoomiyenimo loogu magacaabay Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isku qaban doona Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho.
Xil ka qaadista iyo Magacaabida ayaa waxaa si aad ah looga hadal hayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarumaha Dowlada, Madaxtooyada, Hoteelada iyo waliba goobaha lagu shaaho ee lagu gorfeeyo arrimaha dalka
Xil ka qaadista ayaa imaaday xili uu Mungaab uu ka maqan yahay dalka waxaana la tilmaamayaa inay daba socto muranadii dhawaanahaani taagnaa iyo arrimo kale oo farabadan.
Xafiiska Shabakadaruntanews.net
Muqdisho Somalia
———
Tillbaka