Aqriso sida Beelaha Dega Gobolada Dhaxe loogu qeybiyay Ergayda ka qeyb galeysa Shirka Cadaado ka furmay
17.05.2015 12:45Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe ayaa beelaha dega Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxa ay u qeybiyeen Ergayda uga qeyb galeysa Shirka kasoda Magaalada Cadaado ee la doonayo in lagu dhiso Maamul uu yeesho Gobolada Dhaxe.
Shir ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Guddiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe uuna goob jog ka ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa lagu soo bandhigay sida beelaha dega Gobolada Dhaxe loogu qoondeeyay ergayda ka qeyb galeysa Shirkaasi.
Halkaan ka Aqriso sida Beelaha loogu qeybiyay Ergooyinka
1-Beesha Habar Gidir 104 Xubnood
2-Beesha Mareexaan 67-Xubnood
3-Beesha Murusade 53-Xubnood
4-Beesha Duduble 35-Xubnood
5-Beesha Abgaal/ Waceysle 35-Xubood
6-Beesha Dir 35-Xubnood
7-Beesha Sheekhaal 17-Xubnood
8-Beesha Shanaad 17-Xubnood
Waxaa jira Qaar kamid ah Beelaha Dega Gobolada Dhaxe oo saluugsan tirada ergayda ee loo qoondeeyay, waxaana la filayaa in Dhawaan Magaalada Cadaado uu si rasmi ah uga furmo shirka Maamulka loogu sameeyo Gobolada Dhaxe ee Soomaaliya.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka