Amb. Ameeriko oo macsalaameeyay shaqaalaha Safaarada-Sawirro Tariiqda Ayaa Xusi Doonta
11.04.2015 12:35Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka kenya Amb Maxamed Cali Ameerico ayaa maanta si rasmi ah uga tagay xafiiska isagoo macsalaameeyay shaqaalihii Safaaradda oo isugu jiray Soomaali iyo kenyan.
Amb Maxamed Cali ayaa xilka si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka guud ee Safaaradda Soomaaliya ee kenya Siyad Maxamud Shire kaas oo noqonaya siihaayaha Safiirka Soomaaliya kenya.
“Maanta oo aan si rasmi ah xilki Safiirnimadi ugu wareejiyay Siyad Mohamud Shire, oo noqon doono siihaye Safiir. Aad iyo aad baan ugu mahadceliyay diplomasiyinta Somaliyeed iyo shaqalaha Kenyanska ah oo ila soo sheqeyay intaan Safirka ahaa. Safirka cusubana Gamal Hassan waxaan Ilaah Uga baryayaa in Ilaah u fududeeyo” ayuu yiri Amb Maxamed Cali oo si farxad leh ku wareejiyay xilkii uu haayay muddo 8 sano ah.
Danjire Maxamed Cali ayaa ka sheekeeyay xeerarkii ay soo martay Safaaradda oo markii uu bilaabayay ka bilaabay meel cidlo ah maanta Safaaradda ay tahay mid dhameystiran.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan xilkii aan haayay ku wareejiyay Siyad Maxamud, waxaana ilaahay uga barinayaa inuu la garab galo inta safiirka cusub ka imaanayo”ayuu yiri Ameerico.
Shaqaalaha Safaaradda ayaa si niyad sami ku jirta u sagootiyay Safiir Maxamed Cali oo wixii maanta ka dambeeya laga yaabo inuu howlo kale galo isagoo nasasho la qaadan doono qoyskiisa inta uusan ku soo laaban Siyaasadd
———
Tillbaka