Alshabaab oo weeraro ku qaaday gudaha Kenya
14.06.2015 15:11
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in inkabada 11 ka tirsan dagaalyahanada al-shabaab iyo labo askari oo ka tirsan militariga Kenya lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Lamu ee gobolka Xeebta.
Milatariga kenya ayaa sheegay in dableydaasi oo isku dayday in ay weeraraan xero militari ay ka tirsanaayeen xarakada al-shabaab ee soomaaliya.
Afhayeen u hadlay militariga kenya oo lagu magacaabo Col David Obonyo ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan al-shabaab ay isku dayeen in ay weeraraan saldhig milatari, aroornimadii saaka balse weerarkaasi laga hortagay.
Sida uu sheegay waxaa weerarkaasi ku dhintay 11 ka tirsan dagaalyahanada al-shaabab ee weerarka soo qaaday, kuwaasi oo labo ka mid ah ay ahaayeen rag caddaan ah.
Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay in labo askari ay dhinacooda uga dhinteen weerarkaasi.
Col Obonyo waxa uu sheegay in hub badan laga furtay raggaasi weerarka ku soo qaaday, waxaana hubkaasi ka mid ah sida uu sheegay toddobo qori oo ah nooca fud-fudud, shan gantaalada garabka laga gamo ee baasuukaha loo yaqaano iyo 18 xabbo oo bamboo gacmeed ah.
Waxaa jiro warar kale oo sheegaya in rag hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ay galeen tuulo ku taala isla deegaankaa Lamu, halkaasi oo ay dadkii degnaa ay u jeediyeen khudbad qaadatay muddo saddex saacadood ah, ka hor inta aysan dab qabadsiin xarun caafimaad iyo iskuul ku yaalay tuuladaasi.
Al-Shabaab waxa ay dhankooda sheegeen in afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ay gudaha kenya ka geysteen ilaa iyo afar weerar, kuwaasi oo labo ka mid ah ay ka dheceen gobolka xeebta iyo labada kalena ay ka dhaceen gobolka woqooyi bari.
Weeraradani ayaa ku soo beegmaya sanad uun kaddib markii deegaanka Mpeketoni ee isla gobolkaasi xeebta lagu dilay dad kor u dhaafaya lixdan qof, weerarkaasi oo mas'uuliyaddiisa ay sheegatay xarakada al-shabaab ee Soomaaliya.
Weeraradani ayaa sidoo akel ku soo beegmaya saacado uun kaddib markii taliyaha booliska kenya Wilson Boinnet uu sheegay in booliska ay feejignaan sare ku jiraan maadaama laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weerar soo qaadaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ee billaabaneysa maalmaha foodda inagu soo hayo.
warar sugan kala soco
runtanews.net
———
Tillbaka