Alshabaab oo weerar adag ku qaaday Mandheera iyo dad badan oo lagu laayay weerarka

07.07.2015 08:17

Wararka ka imaanaya Degmada Mandheera ayaa sheegaya in Habeenimadii xalay ay halkaasi weerar culus ku qaaden Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab.


Dagaalyahaanada ayaa muddo dhowr saac ah gacanta ku hayay qeybo kamid ah Degmada Mandheera, waxaana la soo warinayaa in halkaasi ay ku dileen dad farabadan.

Inta la xaqiijiyay 14 qof ayaa ku dhimatay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii kooxdu ay weerarka qaaday xili saqdhexe ay aheyd.

Guddoomiyaha Mandheera Alex Ole Nkoyo ayaa u xaqiijiyay warbaahinta dhimashada 14 qof iyo dhawaaca 10 kale kadib markii Dadkaasi oo ka shaqeeynayay Kaawada qoda oo iyaga oo hurda la werararay.

Xilliga weerarka oo ahaa 1:00AM ayaa waxaa ay dadku ahaayeen kuwo hurdayay banaanka guryahooda Cimillada oo aad u kululaa darted.

Bishii December ee Sanadkii tagay ayaa Al-shabab waxaa ay 30 qof oo aan Muslimiin ahayn ku dilay halkaasi kadib markii ay weerar ku qaadeen Xilli habeen ah Dadkaasi oo Kaawada ama dhagaxa jibinayay.

Xafiiska Shabakada runtanews.net
Muqdisho Somalia
ganeyte5@gmail.com

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET