ALSHABAAB OO U KALA JABAY LABA GARAB IYO GARAB KAMIDA OO KU BIIRAY URURKA DAACISH.

23.10.2015 18:06

 

Cabdiqadir Muumin ayaa hogaaminaya garabka ku dhawaaqay inay raacayaan IS.

Garab ka tirsan kooxda mayalka adag ee Soomaaliya, al-Shabaab, ayaa ku dhawaaqay inay daacad u noqonayaan kooxda isku magacwday dowladda islaamiga taasoo ka dhigaysa kooxdan tii ugu horreysay ee Soomaaliya ka socota ee si cad u sheegta inay sidaas sameynayaan.
Kooxdan waxaa saldhiggeedu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Soomaaliya. Kooxdu waxay u muuqataa inay yar tahay hadda waxaana madax u ah sheekh Cabdiqaadir Muumin, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha diineed ee al-Shabaab.
Kooxda sheegata dowladda islaamiga waxay dhowaantan si caddaan ah u qalqaalsanayeen jihaad-doonka Soomaaliya , iyagoo xataa iskudeyaya inay u adeegsadaan kooxda xiriirku kala dhexeeyo ee galbeedka Afrika ee Boko Haram inay sidaas oo kale sameeyaan.
Al-Shabaab qudheeda waxaa xiriir kala dhexeeyaa kooxda loollanku kala dhexeeyo Daacish ee Al-Qaacida, waxaana hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ay isku khilaafeen arrintan iyagoo xirxiray xubno lagu tuhunsan yahay inay iskudeyayeen inay goostaan.
Waxaa caddaan ah inay aqoonsan yihiin codsiga kooxda dowladda islaamiga, taas oo saameyn karta awooddooda ay dad ku qortaan ayna sii ahaadaan halis weyn. Kooxahan oo dhan waxay u jeesteen inay dacaayado ku baahistaan warbaahinta bulshada

 

WARAR SUGAN KALA SOCO RUNTANEWS.NET

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET