AL-QAACIDA XIRIIRKA WAA U JARTAY AL-SHABAAB.
01.04.2015 10:53Zakariye Xaaji ismaaciil oo ahaa Sargaal sare oo kasoo Goostay al-shabab ayaa Waxaa uu sheegay in ay Al-shabab Seegtay Xariirkii Dibada Ee Ay la Laheed Ururada al-Qaacidda Gacan Saarka la leh Ee ka Dagaalama Dalalka Caalamka Qaarkood
Waxaa uu sheegay Zakariye in Haatan uusan Jirin Wax Xariir ah oo al-shabab iyo Urur Diimeeyo Kale Kuwaasi oo uu sheegay in uu ku Eg Yahay Afka oo kaliya
Zakariye Xaaji Ismaaciil ayaa Waxaa la weydiiyay in ay Suura Gal Tahay in al-shabab Dalka Laga Saaro Waxuuna Sheegay in Askari uuna Soo Afjari karin Dgaaalka Lagula Jira al-shabab Balse loo Baahan Yahay in Qorshe Dagaal oo Rasmi ah ay Dowlada Soomaaliya la Timaado
Sidoo kale Zakariye Xaaji Ismaaciil ayaa Waxaa uu ka Waramay Halka uu Maraayo Cafiskii ay Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya ay u Fidisay Xubnaha ka Barbar Dagaalamo al-shabab Waxuuna sheegay in ay Haatan ka Faa’iideysanayaan Rag al-shabab ka Tirsan oo soo Goosanaayo
Zakariye Xaaji ismaaciil ayaa Waxaa uu qeyb ka ahaa Saraakiisha Sar Sare Ee Al-shabab Waxuuna Dhawaan isku soo Dhiibay Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya.
———
Tillbaka
warar sugan kala soco
shabakada caalamigaa
runtanews.net
nagala soo xariir
ganeyte5@mail.com