Ajaaniib naceybka Yurub oo laga digay

14.06.2015 15:17
Afrika waxaa ka gudba kumannaan qof oo doonaya inay Yurub tagaan

Ergayga gaarka ee u qaabilsan arrimha magangalya doonka Hay'adda QM, Peter Sutherland ayaa ka digay falalka ajaanib naceebka ee looga hortagayo dhaqdhaqaaqa balaaran ee dadka ka imaanaya Afrika kuna qulqulaya dalalka Yurub.

Ergayga ayaa BBC-da u sheegay in magangalya doonnimadu aysan ahayn wax dhamaanaya.

Dalalka Yurub ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay sameeyaan hanaan sax ah oo ay ku wadaagayaan masuuliyada magangalya siinta qaxootiga kasoo baxsanaya tacidiyda loo geesto.

Illaa iyo hadda sanadkan, boqollaal qof oo kala imaaday Afrika iyo Bariga dhexe ayaa ku dhimatay badda iyagoo doonaayay inay u gudbaan dalalka yurub. Dadkaasi waxa ay ku safraayaan doono yaryar oo haleysan.

Asigoo BBC-da la hadlaayay, sarkaalka ugu sareeya ee dadka megengelya doonka ah u qaabilsan qaramada midoobeey Peter Sutherland, waxa uu sheegayaa in muhaajiriin badan oo si gaar ah uga soo safray Suuriya, iyo Earitrea, ay ka soo qexeen dhibaatooyiinka ka taagan dalalkooda.

Arrintan oo kale ayuu sheegay inay ku qasbeyso inay ugu dmbeyn u soo safraan qaarada Yurub.

Lakiin waxa uu tilmaamayaa in Yurub ay ku kala qeybsan tahay soo dhaweynta dadkaasi, iyadoo kala duwanaan weyn ay ka jirto tirada uu dalkastaa qaabilayo, sida Jarmalka iyo Sweden marka loo barbrdhigo Britain.

Waxa uu sarkalkan Qaramada Midoobey uu dalbanaayaa in dalalka si isku mid ah loogu qeybiyo dadka soogalootiga ah.

Laakiin, in qaxooti badan loo ogolaado inay soo galaan, waxa uu sheegay inay u baahan tahay in si dhab ah loo falanqeeyo.

Waxa uuna ka digay in natiijada ay sare u qaato cabsida iyo jinsiyadnaceyb.

isha bbc.

warar sugan kala soco

runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode