Ciidamada DF ee kusugan Gobolka Jubada Hoose, ayaa gacanta ku dhigay saraakiil Ajaanib cadaan ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamayay kooxda mayalka adag ee Alshabaab.
Saraakiisha Ciidamada DF ee Jubada Hoose, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in saraakiil cadaan ah oo ka barbar dagaalamayay Alshabaab ay gacanta ku dhigeen.
Col. Heybe Axmed C/laahi, oo ah taliyaha Ciidamada Doowlada ee degmada Dhoobleey, ayaa sheegay ineey qabteen saraakiil Ajaanib ah oo Alshabaab katirsan, kuwaasoo qaarkood kasoo tallaabay dhinaca xuduudka Kenya, doonayayna ineey ku biiraan Alshabaab.
“Waxaa jira niman ajaanib ah oo aan Gacanta ku dhignay, waxayna noo sheegeen, iney doonayeen ineey ku biiraan Alshabaab, waxaana kamid ah nin Kenyan ah, sidoo kale waxaa kujira nin Raashin ay usoo dirsadeen Alshabaab” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada DF ee Dhoobleey.
Taliyaha ayaa ugu danbeyn sheegay, in ragga ay qabteen ay isugu jiraan Kenyan iyo Tanzaniyan, islamarkaasna ay wataan warqado cadeeynaya dalalka ay u dhasheen.