15 ku dhimatay weerar ka dhacay huteelka Saxafi

01.11.2015 09:26
  • 19 Daqiiqadood ka hor
 

Afaafka hore ee huteelka ayaa lagu dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay 28 kalana way ku dhaawacmeen qaraxyo iyo rasaasayn xoog leh oo laga maqlayo dhismaha hoteelka Saxafi ee ku yaallla bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Weerarkan ayaa bilowday subaxnimadii hore ee saaka kaddib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay albaabka hore ee hoteelka.

Waxaa xigay rasaas ay isdhaafsanayeen ciidammada ammaanka iyo kooxda weerrarka soo qaaday oo ay Al-Shabaab sheegeen in ay ka tirsan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ragga weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen hoteelka halkaasi oo ilaa iyo haatan ay rasaas ka dhacayso.

Dadka weerarkaasi ku dhintay waxaa kamid ah Abtidoon Koofi Shabaq, oo kamid ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, Janaraal Cabdikariim Dhagabadan iyo milkiilaha huteelka Saxafi Cabdirashiid Ilqeyte.

 

 

28 qof ayaa ku dhaawacantay

Hoteelka ayaa waxaa inta badan fariista qaar ka mid ah xildhibaanada baaralamanka Soomaaliya, waxa uuna ku yaal goob ay ku yaalaan dhismayaal ay dowladdu leedahay oo aad loo ilaaliyo.

Weerrarkan ayaa imanaya maalin un kaddib dagaal ay dad badan ku dhinteen oo xarakada Al-Shabaab iyo ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ku dhex maray gobolka Bakool.

xigasho bbcsomali

warar sugan kala soco runtanews.net

Tillbaka

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET