1 Abriil, waxa ay ku beegan tahay maalintii beenta adduunka
01.04.2015 11:59Maanta oo ah 1 bisha abriil, waxa ay ku beegan tahay maalinta beenta adduunka. Maalintan ayaa afka Iswiidhishka loo yaqaanaa Aprilskämt. Waana maalin caan ka ah adduunka oo dhan oo sannad kasta la xuso.
Inkasta oo aan ha hubin halka ay maalintani ka timid, haddana dhaqan ahaan waxa la aaminsan yahay in ay maalintani ka soo jeeddo dhaqanadii Roomaaniyiinta iyo wakhtiyadii ay weynayn jireen. Waxaanay Sweden timid maalintani badhtamihii qarnigii 16-aad. Qarnigii 17-aadna iska caadi bay noqotay in ay dadka Iswiidhishka ahi maalintan weyneeyaan iyaga oo kaftan iyo xujo badan is dhaafsanaya. Waxaanay dadka Iswiidhishka ahi isticmaali jireen hal-kudheggan, '' April, april, din dumma sill, jag kan lura dig vart jag vill'' Hal-kudheggan ayaa micnihiisu yahay waan ku xujayn karaa ama doqon baan kaa dhigi karaa haddaan doono. Waddanka Faransiiska ayaa isna hal-kudheg u isticmaala poisson d'avril, halka dalka Maraykanka iyo Ingiriiskana looga yaqaano maalintan, All fools day ama April fools day.
Saxaafadda Sweden ayaa marar badan qoraallo been ah oo maalintan lagu xusayo daabacday, taasi oo dadku markii hore run u qaateen markii danbe se la ogaaday in ay kaftan ahayd. Tusaale ahaan sannadkii 1950 jarriiradda Goteborg Posten ayaa warisay war been ah, sidoo kale sannadkii 1962 ayuu tiifiiga SVT baahiyay war kaftan ah si uu maalintan dadka uga riwaayadsado. Halka jariiradda DN ay iyana 1980 daabacday qoraal muran badan dhaliyay, laakiinse ay maalintan uun ugu talogashay. Waxaa sidoo kale xusid mudan in jariiraddii ugu horraysay ee maalinta awgeed been qortaa ahayd jarriirad ka soo bixi jirtay magaalada London qarnigii 18-aad.
Xigasho:Somaliska Radio (TT)
Warar Sugan kala Soco
runtanews.net
Nagala Soo Xariir
ganeyte@gmail.com
———
Tillbaka