Kooxda Barcelona oo Real Madrid kala wareegtay hogaanka Horyaalka Spain ee La Liga (Sawirro)

2670951000000578-2985005-image-m-37_1425818152514
 

 

CAYARO

 

Waa la is mari waayey waase lagu kala baxay Ivory Coast oo noqotay Champio+nka Afrika SAWIRO

iv00
120- Daqiiqo oo la ciyaaray waxba waa la iska dhalin waayey waana la is mari waayey xulalka finalka usoo baxay ee Ghana iyo Ivory Coast labada kooxoodna waxay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay oo qiiro gaar ah xambaarsanayd.

Hadii la is mari waayey 120 Daqiiqo oo la ciyaaray waxaa la dhigay rigoorooyin si loogu kala baxo cidii noqon lahayd Champion-ka Afrika oo kama danbeystiisa ay usoo baxeen Ghana iyo Ivory Coast iyadoo mudo bil ah ay soo socdeeen ciyaaraha Qaramada Afrika.

Biloowgii rigoorooyinka waxaa laba jeer oo isku xiga qasaariyey xulka Ivory Coast iyadoo si gaar ah uu kubada birta ugu dhuftay Wilfried Kanon Bony oo Manchester City ay dhawaan uun 30 milyan kusoo qaadatay.

Iyadoo xaalka ay quus ka joogto Ivory Coast ayaa nafta waxaa kusoo celiyey laba ciyaaryahan oo Ghana ah oo laba fursadood iska qasaariyey waxayna noqotay in 11 ciyaaryahan ee garoonka ku jiray ay wada tuurtaan oo goolhayaha Ivory Coast Boubacar Barry Copa uu noqday xidigii badbaadiyey oo qabtay rigooradii u danbeysay isla markaana dhaliyey goolka guusha oo ay koobka Qaramada Afrika ku hanteen.

8 – 9 waxaa rigoorooyin ku hantay xulka Ivory Coast oo mudo badan u haraad qabay oo finalka u iimaan jiray, waxana la dhihi karay weey mudnaayeen waayo shan sanno ayay Fialka imaanayeen.



Läs mer: https://www.runtanews.net/cayaro/
 

Cayaaraha

Wararka ugu waaweyn

 

Sök på hemsidan

RUNTANEWS.NET

Skapa en hemsida gratis Webnode